Maraykanka iyo Maamulka Somaliland oo ka wada shaqeynaya Mashruuca tamarta dabeysha,  si koronto uu u helo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa

For Immediate Release

Thursday, June 5, 2014

Dowladda Maraykanka, oo isticmaaleysa Hay’adda Maraykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID, iyo Maamulka Soomaaliland ayaa si rasmi ah u furay Mashruuca warshadda tamarta ka dhaliso dabeysha,  si koronto uu u helo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa oo xafladda xil wareejin oo dacday 2dii June 2014. Wasiirka Soomaaliland u qaabilsan tamarta iyo macdanta ayaa la wareegay maamulka iyo mas’uuliyadda warshadda, wuxuuna la socon doona howlaha warshadda.

Xafladda waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaana guddoominaayey Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirada Duulista hawada sare, Qorsheynta, Deegaanka, Gudaha, Warfaafinta, Biyaha iyo ku simaha agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee hay’adda USAID, Hodan Xasan iyo wakiilo ka kala socday waaxyaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka.

Xilligaan qiimaha korontada ee Soomaaliland waa mid ka mid ah kuwo sareeya caalamka, iyadoo ka badan 1.25 dollar halkii Kilowatt. Mashruuca USAID’s Partnership ee kubaca dhaqaalaha wuxuu si dhow ula shaqeeyey madaxda Soomaaliland iyo wakiilada waaxyaha gaarka loo leeyahay si looga hirgaliyo gobolka tamarta dabiiciga ilaa sanadkii 2011.  Warshada korontada dabeysha ka dhaliso waxa ay bixin doontaa wax ka wanaagsan korontada lagu helo qiimaha qaaliga ah ee shidaalka naftada, waxayna koronto siin doontaa garoonka diyaaradaha iyo bulshada ku hareereysan garoonka, waxaanna warshadda maamuli doono dowladda oo kaashaneysa waaxyaha gaarka loo leeyahay. USAID waxa ay sidoo kale madaxda Soomaaliland kala shaqeysay qabya qoraalka sharciyada iyo xeerarka muhiimka ah iyo in la xaqiijiyo in uu jiro tartan ganacsi si adeegyada tamarta looga dhigo kuwo dadka isticmaala ay ku heli karaan qiimaha ugu wanaagsan.

Tan iyo 2010kii, USAID waxay ku maalgalisay Soomaaliland  ku dhowaad 50 milyan oo dollar oo loo isticmaalay waaxyaabo kale dowan: xasiloonida bulshada, dowlad wanaagga,waxbarashada, caafimaadka, iyo kobaca dhaqaalah. In ka badan 14 milyan oo dollar ayaa lagu maalgaliyey barnamaijka kobaca dhaqaalah ee USAID’s Partnership. Waxaa intaa dheer in la maalgaliyey adeegyada tamarta, mashruucaan waxa  uu sidoo kale maalgaliyey waaxyaha xoola-dhaqashada iyo beeraleyda iyo sidoo kale hay’adaha horumarinta gaarka loo leeyahay si loo hormariyo daganaansha dhaqaalah.

Last updated: June 11, 2014

Share This Page